Waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka socota doorashada Afar kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Afarta Kursi ayaa waxaa kujira kursiga uu sheegay in loo diiday in uu u taratamo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, balse guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay ku adkeysteen in la qabanayo doorashadiisa.
Kuraasta doorashadooda Maanta Baydhabo lagu qabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP189 oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe, HOP-103 oo Afartii sanobee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, HOP041 oo uu ku fadhiyo hadda Idiris Cabdi Dhaqtar & kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay