Home Wararka Caalamka Diyaarado Iran sameysay oo gantaalo culus ku garaacay magaalada Kyiv (Sawirro)

Diyaarado Iran sameysay oo gantaalo culus ku garaacay magaalada Kyiv (Sawirro)

0

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Kamizake ,oo ay sameesay dowladda Iran balse adeegsadaan ciidamada Ruushka, ayaa saakay duqeymo culus ku garaacay dhismayaal kuyaalla magaalada Kyiv ee caasimadda dalka UkraineĀ  .

Qaraxyo waa weyn oo ka dhashay duqeymaha Ruushka ka wado dalka Ukraine ayaa laga maqlay magaalada Kyiv, waxaana meelaha qaar laga arkayaa qiiq iyo uuro ka baxeysa iyo dhisamayaal bur buray.

La taliyaha madaxweynaha Ukraine ayaa ku eedeeyay duqeymaha inay ka dambeeyeenĀ  diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca ā€œkamizake dronesā€ isla markaana uu adeegsanayay Ruushka.

Duqa magaalada Kyiv,Vitalii Klitschko ayaa sheegay in dhismooyin ku yaalla bartamaha magaalada Kyiv ay qaraxyada buburiyeen, waxa uuna sheegay in Ruushka geesanayaan duqeymo arxan darro ka muuqato.

Gaadiidka gurmadka degdega ayaa gaaray goobaha duqeymaha ka dhaceen, waxa uuna duqa magaalada ugu baaqay shacabka kunool aaga la duqeenayo in ay galaan goobaha gabaadka leh .

Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa isbuucii hore duqeymo culus ku garaacay magaalada Kyivc iyo magaalooyin kale, waxa ayna Ruushka kordhiyeen weerarada cirka ah ay ka geesanayaan qeybo kamid ah dalka Ukraine.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraaā€™id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal XalayĀ  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hayā€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleAlshabaab oo isaga Baxay Degmo wayn oo ku Taala Shabeelada Dhexe
Next articleBaarlamaanka oo ansixiyay in Ulf Kristersson uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Sweden