Diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa shalay loo diiday ina ka degto laba garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Gedo, sida ay ogaanay.
Xogtan ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xubno ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo.
Diyaaradda oo siday 30 qof oo rakaab ah ayaa ku guuldarreysatay inay ka degto garoomada Doolow iyo Luuq ee gobolka Gedo oo labadaba ay isku dayday, ayada oo sababta lagu sheegay arrimo xiriir la leh siyaasad.
Ilo-wareedyada la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta diyaaradda looga hor-istaagay inay degto ay aheyd inuu saarnaa Maxamed Cabdullaahi Gardhuub oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Gedo.
Garduub ayaa ahaan jiray guddoomiyaha degmada Luuq ee garabka Jubaland, waxaana xilkaas laga qaaday 13-kii December 2013 kadib wareegto kasoo baxday madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud Luga-Dheere.