Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay in diyaaradaasi lasoo daristay cillad.
Diyaaradan nuuca wax basaasa ah ah ayaa laga cabsi qabaa in ay gacanta u gasho kooxda Xamaas ee ku sugan qeybo kamid ah Marinka Qasa, waxaa sidoo kale suurto gal ah in Xamaas hesho qalabka ay wax ku duubeysay diyaaradasai si ay xog badan uga hesho.
Milatariga Israa’iil, ayaana sheegay in aysan wax walaac ah ka qabin diyaaradan nuuca basaas ah ee ku burburtay Marinka Qasa, waxa ayna xuseen haddii diyaraadaasi xogaha sirdoon ay duubtay helaan Xamaas aysan wax walaac badan ah ka qabin.
Baaritaanka sababta keentay in diyaaradan nuuca basaaska ah ku burburto magaalada Qasa ayaa wali socda, mana jiro wax war ah oo kooxda Xamaas kasoo saartay diyaaradan burburtay oo laga cabsi qabo in qalabkeeda qaataan.
Diyaarad Ruushka laga leeyahay gaar ahaan kuwa aan duuliyaha lahayn, ayaa sababay dab, burburiyey dhismayaal caasimadda Ukraine ee Kyiv, halkaas oo ay ku dhinteen sagaal qof, in ka badan 70
Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent ayaa ku eedeeyay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) iyo Bangiga Adduunka inay aad uga leexdeen howlihii loo aasaasay. Bessent ayaa sheegay IMF ay ku bixinayso
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku
Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen