Maamulka Dhuusamareeb ayaa bilaabey dadaal dib loogu dayac tirayo nalalka ku shaqeeya cadceeda ee ku xiran wadooyinka waaweyn ee Caasimada Galmudug.
Ilaa 25- dab keydiye ( Batary) oo uu soo iibiyay gudoomiyaha Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa maanta soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug si looga shaqeysiiyo qayb ahaan 173-nal oo Dhuusamareeb siiya iftiin kuwaa oo tiro ka mid ah ay u dameyn farsamo xumi ay wajahayeen mudo 6-sano ah oo ay Caasimada ka sudhnaayeen.
Xildhibaan hore yuusuf Gacal iyo Calas Cabdinuur barre, Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Caasimada oo mudadii nalalkani Caasimada ku yaaleen wax badan kala socday marxaladihii ay soo mareen ayaa ku baaqey in loo istaago sidii loo daari lahaa kuwooda u dansan battery la’aanta iyo kuwa waxyeelada kale ay soo gaadhey.
Gudoomiyaha Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa ugu dambeyn sheegay in tabarta maamulka degmadu la ekaatey soo iibinta 25-kan dab keydiye si wajigan 1-aad loogu daaro nalalka dansan ee kuxiran badhtamaha Magaalada, iyadoo maamulku ugu baaqayo bulshadu in ay kawada qayb qaadato soo iibinta tiro intan ka badan oo loo baahan yahay kuwaa oo lagu dayac tirayo kuwa ku xiran suuqa weyn iyo Magaalada inteeda kale.