Home Wararka Caalamka Dib u Dayactir Xoogan oo lagu Samaynaayo nalalka Cadceeda Ku Shaqeeya oo...

Dib u Dayactir Xoogan oo lagu Samaynaayo nalalka Cadceeda Ku Shaqeeya oo Dhusamareb ka bilowday(Sawro)

0

Maamulka Dhuusamareeb ayaa bilaabey dadaal dib loogu dayac tirayo nalalka ku shaqeeya cadceeda ee ku xiran wadooyinka waaweyn ee Caasimada Galmudug.

Ilaa 25- dab keydiye ( Batary) oo uu soo iibiyay gudoomiyaha Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa maanta soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug si looga shaqeysiiyo qayb ahaan 173-nal oo Dhuusamareeb siiya iftiin kuwaa oo tiro ka mid ah ay u dameyn farsamo xumi ay wajahayeen mudo 6-sano ah oo ay Caasimada ka sudhnaayeen.

Xildhibaan hore yuusuf Gacal iyo Calas Cabdinuur barre, Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Caasimada oo mudadii nalalkani Caasimada ku yaaleen wax badan kala socday marxaladihii ay soo mareen ayaa ku baaqey in loo istaago sidii loo daari lahaa kuwooda u dansan battery la’aanta iyo kuwa waxyeelada kale ay soo gaadhey.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa ugu dambeyn sheegay in tabarta maamulka degmadu la ekaatey soo iibinta 25-kan dab keydiye si wajigan 1-aad loogu daaro nalalka dansan ee kuxiran badhtamaha Magaalada, iyadoo maamulku ugu baaqayo bulshadu in ay kawada qayb qaadato soo iibinta tiro intan ka badan oo loo baahan yahay kuwaa oo lagu dayac tirayo kuwa ku xiran suuqa weyn iyo Magaalada inteeda kale.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleHowlgalo culus oo Caawa kasocda Koonfurta Magalada Gaalkacayo Xili Xalay Dagaal Ka dhacay Magaladaas
Next articleQaramada Midoobey oo 17 Milyan oo Dollar ugu Deeqday Gurmadka Abaaraha Soomaaliya