Home Wararka Somaliya Dhuusomareeb oo laga sameeyah Howlgal Dad lagu soo qabtay

Dhuusomareeb oo laga sameeyah Howlgal Dad lagu soo qabtay

0

Ciidamo isugu jira Booliis iyo Nabadsugid ayaa howlgallo ka fuliyay  Xaafado ka tirsan Magaalada Dhuusamareeb Ee Caasimadda dowlad Goboleedka Maamulka Galmudug.

Howlgalka oo socday todobaadyadii  lasoo dhaafay ayaa waxaa horay si wada jir ah  u iclaamiyay  Wasiirka Amniga Galmudug Acmed Macalim Fiqi iyo Saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada ayaa laga Sameeyay gudaha iyo duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Intii uu socday howlgalka oo ay hugaaminayeen Taliyaha Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb G/le Maxamed Mire Maxamuud iyo Taliyaha Cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Ciidanka Nabada magaladda  Dhuusamareeb Gaashaanlle Cabdishakuur Daahir Ducaalle (Golongolo)   ayaa lagu baarayey gaadiidka kala duwan ee isticmaalla wadooyinka Xaafadaha iyo bartamaha laamiga ee Caasimada Dhuusamareeb.

Taliyaha Saldhiga Booliiska ee Dhuusamareeb G/le Maxamed mire maxamuud oo howlgalka kadib warbaahinta kula hadlay Gudaha Saldhiga ayaa ka warbixiyay shaqada Amaan xaqiijinta aheyd oo uu sheegay in ay Socotay maalmihii lasoo dhaafay siina wadi doonaan howlgalka iyaga oo la kaashanaya Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka.

Howlgalkan ayaa waxaa uu kusoo aaday Beegmaya  xilli wasiirka Amniga Galmudug uu Amray Saraakiisha qeyb baheeda  kala duwan  in laqaado talaabo iyo Howlgalo Amniga lagu xaqiijinayo kuwaasi oo laga sameynayo guud ahaan Deegaanada Galmudug.

Ad
Previous articleMuqdisho oo lagu dilay labo wiil oo dhalinyaro ah
Next articleShacabka iyo Ganacsatada Gobalka Banaadir oo Amaro la duldhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here