Home Wararka Maanta Dhuusamareeb oo lagu Qabtay shir looga Hadlaayay Abaaraha Ba,an ee ka Jira...

Dhuusamareeb oo lagu Qabtay shir looga Hadlaayay Abaaraha Ba,an ee ka Jira Degaanada Galmudug iyo Qoor Qoor oo Ka Qaybgalay(Sawiro)

0

Madaxwaynaha dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu soo xeray shir sacada badan qaatay oo looga hadlayay abaaraha kudhuftay deegaanada iyo degmooyinka Galmudug. Shirka ayaa waxaa kusugnaa hayadaha gaargaarka sida UNka, kuwa caalami ah iyo hayadaha gargaarka ee kashaqeeya deegaanada Galmudug.

Shirkan ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Gargaarka, waxaana kasoo qeyb galay Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Haweenka, Wasaaradda Caafimaadka iyo sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoona wasaaradaha iyo hayadihii kasoo qeyb galay kulanka ay isla jeexjeexeen saameenta abaarta ay kuyeelatay Galmudug.

Maxwayne Ahmed ayaa waxaa uu sheegay in abaarta ay saameesay dad gaaraya todobo boqol oo kun (700,000) oo qof, kuwaas oo kusugan degmooyinka iyo deegaanada Maamulka Galmudug, iyadoona Madaxwaynaha uu uga mahad celiayay howsha ballaaran oo ay wadaan wasaaradaha Galmudug iyo hayadaha gargaarka ee shirka qeybta ka ahaa.

Madaxwaynaha ayaa xusay in dadka xoolaha haystay ay qaar uga udhinteen biya la’aan, halka intii soo hartana ay u taag waayeen maadaama aysan uhayn baad iyo biyaba, waxana Madaxwaynaha sidoo kale uu soo hadal qaaday in iskuullo gaaraya 50 oo hoostaga deegaanada Galmudug ay uxirmeen abaarahaha, sidaasna ay waxbarasho la’aan kusoo wajahday ardaydii dhiganaysay.

Madaxwaynaha ayaa baaq udiray hayadaha caalamiga ah isagoo ugu baaqay in ay laba jibaaraan dadaaladooda ku aadan wax kaqabashada abaaraha xoogan ee saameeyay Galmudug, waxana Madaxwaynaha uu si gaar ah ugu baaqay ganacsatada iyo dadka kasoo jeeda Galmudug, inay garab istaagaan dadka abaartu saameesay.

Ugu danbayn, madaxwaynaha ayaa sheegay in abaartu ay kadhasheen cuduro ay kamid tahay Jadeecada, iyadoona suuragal ay tahay in cuduro badan ay kadhalan karaan xilli cunta la’aanta iyo biyo la’aantuba ay gaartay heerkii ugu sarreeyay, taas oo ubaahan wax kaqabasho degdeg ah maadama ay Galmudug kow katahay deegaanada ay abaartu saameesay.

 

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Ad
Previous articleSarkaalka kasoo Goostay ahlusuna iyo Gaari uu lasoo Goostay oo lasoo Bandhigay(Sawiro)
Next articleGudigi Qiimaynya Garbahaareey oo Shaqadoodi bilaabay(Sawiro)