Home Wararka Maanta “Dhulka iyo Xaaqinka waxaa dhamaada Xaaqinka”Xasan Shiikh oo Fariin Culus u Diray...

“Dhulka iyo Xaaqinka waxaa dhamaada Xaaqinka”Xasan Shiikh oo Fariin Culus u Diray Alshabaab

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey gabagabada shirka golaha wadatashiga qaranka ee Dhuusamareeb lagu qabtay ayaa si qota dheer uga hadlay dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku bilaabay oraahdii aheyd “Dhulka iyo Xaaqinka waxaa dhamaada Xaaqinka” isagoo Al-Shabaab ku tilmaamay Xaaqin sii dhamaanaya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa balan qaaday in qof Soomaali ah oo dhulkiisa jooga aan lagu fiirsa doonin Shabaab gumeysanaya, “Dagaalka aan ku jirno mid haka doona maaha, waana naga dhab,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka uu halganku dhabta ka yahay ay dowladu qorsheyneyso inay abaalmariso, “waxaan amaaneynaa geesiyaasha qaranka, waana u duceyneynaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

“Ganacsatada iyo hantiileyaasha Soomaaliyeed waxaan leeyahay doorkiinii weli waa dhiman yahay, soo arka dhibaatooyinka heysta dadka laga dul qaaday Khawaarij ee garab istaaga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed mar kale ugu baaqay inay iska ilaaliyaan Garanwaaga “Yuusan ugu soo gelin Qabiil ama qaraabeysi, ninka adiga iyo dadka kaleba aadnaa ka nabad geli doonin hasoo dhaweysan, walaal haka dhigan ee dowladda u dhiib si loo dhaqan celiyo,” ayuu madaxweynuhu kula dardaarmay dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa baaq u diray dhalinyarada ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, isagoo ka balan qaaday inay helayaan cafis aan gorgortan laga gelineyn.

“Wiilasheena la qalday waxaan leenahay gabalku yuusan idinkugu dhicin meesha, waa la isku soo socdaa ee naftiina badbaadsada, odayaasha hoggaamiya ama ka tirsan waxaan leenahay weli towbadaa idiin furan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo Warsaxafadeed kasoo Saartay Dagaalkii Goojacade looga saaray Soomaaliland
Next articleShirkii Dhuusamareeb oo lasoo Gabagabeeyey iyo Shan Qodob oo laga Soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here