Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo Warsaxafadeed kasoo Saartay Dagaalkii Goojacade looga saaray Soomaaliland

Beesha Caalamka oo Warsaxafadeed kasoo Saartay Dagaalkii Goojacade looga saaray Soomaaliland

0

Beesha Caalamka oo horey ugu guuldareysatay joojinta dagaalka Laascaanood, ayaa soo saartay warsaxaafadeed ku wajahan dagaaladii ka dhacay gobalka Sool, waxayna sheegeen.

1- In ay ka welwelsan yihiin dagalao deegaano kale ku fiday, oo uu saameynayo.

2- Labada dhinacba waxay ugu yeereen in Heshiis xabad joojin ah la gaaro, iyagoo ka digay abaabulka dagaalo kale iyo qorida maleeshiyadka.

3- Waxay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin tiro badnaanta maxaabiista la qabtay, oo ay sheegeen in ay sharci tahay in loo hogaansamo sharciyada marinta maxaabiista.

4- In kabaayasha rayidka iyo hantidooda la ilaaliyo ayay sheegeen in ay soo jeedinayaan oo aan laga shaqeynin barakac kale.

5- Waa in la xaqiijiyaa muhiimada ay leedahay in la helo gargaar bini aadantinimo oo aa la carqaladeyna, dadka u baahana la gaarsiiyo.

6- Labada dhinacba waxay ugu baaqeen in ay ka fogaadaan adeegsiga erayada xanafta leh ee dagaal kale abuuri kara, dhammaan loo baahan yahay in nabad lagu xaliyo xaajadan.

Ad
Previous articleSSC oo Sheegtay inay Maxakamad soo Taagayso Taliye Faysal Cali Bootaan ee Jimcihii lagu Qabtay Goojacade
Next article“Dhulka iyo Xaaqinka waxaa dhamaada Xaaqinka”Xasan Shiikh oo Fariin Culus u Diray Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here