Home Wararka Maanta Dhalinyaro Dalka Dibadiisa Ku Xirnaa oo Xabsiga laga Soo Daayay

Dhalinyaro Dalka Dibadiisa Ku Xirnaa oo Xabsiga laga Soo Daayay

0

Waxaa beri oo Talaado ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho laga soo dejiyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsi kuyaalla dalka Liibiya, kuwaa oo in muddo ah gacanta ugu jiray kooxaha magafayaasha loo yaqaan.

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegtay in berri Muqdisho laga soo deejinayo sagaal dhallinyaro ah oo laga soo daayay xabsiyo ay heestaan kooxo magafataal ah ay u xirnaayeen.

Waxa uu sheegay Xoghaye Ayuub Xaashi in Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ay fududeyneyso safarka Dhalinyaradaan lagu keenayo Magaalada Muqdisho si ay dib ula midoobaan ehelkooda oo markii horay ay ka tageen.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa wali ku xiran xabsiyo dowladda Liibiya leedahay iyo xabsiyo gaar ah ay gacanta ku hayaan kooxaha magafayaasha loo yaqaan, kuwaa oo dhallinyarada Soomaaliyeed u heesta madax furasho.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Dalka Dib ugu Soo laabtay iyo Villa Soomaaliya oo War kasoo saartay
Next articleWafdi U hogaaminaayo Cali Jayte oo Baladweyne Safar Dhulka ah uga Baxay Oo Gaaray Buulaburde(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here