Home Wararka Maanta Dhalinyarada Galmudug ka soo Jeeda oo Muqdisho ku qabtay Kulan Lagu Taageerayo...

Dhalinyarada Galmudug ka soo Jeeda oo Muqdisho ku qabtay Kulan Lagu Taageerayo Madaxweyne Qoor Qoor (Sawiro)

0

Dhalinyarada Galmudug Ee Gobolka Banaadir ayaa Muqdisho Ku qabtay Kulan Lagu Taageerayay Go’aankii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug ee Caasimada Looga Badbaadiyay Inuu Dagaal ka Dhaco Islamarkaana Dalka uu ujaheeyay Inla Aado Doorasho Xor Iyo Xalaal ah, iyadoo la Tixraacaayo Heshiiskii 17 September.

Inta uu Socday Kulankaan ay yeesheen Dhalinyarada  Ayaa Cabiray Miisaanka Siyaasadeed ee Galmudug Ku leedahay Jiritaanka Dowladnimada Soomaaliya.

Dhalinyarada ayaa Madaxweynaha Galmudug ku amaanay Doorkiisa Saliimka ah, iyagoona Si Guud Ugu Mahadcaliyay Garashadooda in Dalku Doorasho aado, Reysul-wasaaraha Soomaaliya Mudane Mohamed Hossein Rooble, Madaxweynaha Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Iyo Guud ahaan Cidkastoo ka Dabqantay Xaalada Ismariwaaga ah ee Dalku Galay.

 

Ad