Home Wararka Somaliya Dowlada Sacuudiga oo Xireysa Dugsiyada uu Turkiga ku leeyahay Dalkaasi

Dowlada Sacuudiga oo Xireysa Dugsiyada uu Turkiga ku leeyahay Dalkaasi

0

Ilo Diplomaasi ayaa waxay sheegeen inay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in la xiro Dugsiyada Tuurkishka ee ku yaalla gudaha Sacuudiga marka la gaaro dabayaaqada sanadkan 2021-ka.

Ilaa 8 Dugsiyada Turkiga (Turkish Schools) oo xiriir la leh Wasaradda Tacliinta Qaranka ayaa waxay ka hawl-galaan Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh iyo Goballo kale, kuwaasi oo qorshuhu yahay in albaabada loo laabo dhamaadka sanadkan.

Wasaaradda Tacliinta Scuudiga waxay qoraalka Go’aankaasi si toos ah ugu gudbiyeen Dugsiyada ku yaalla Goblladda W/Galbeed Tabuuk, Riyadh, Taa’if iyo Jeddah.

Saraakiil Sacuudiyaan ayaa waxay kaloo booqdeen Dugsiyada Turkishka ee ku yaalla Goballadda Dammaam iyo Abha, si ay Maamulayaasha Dugsiyadaasi ugu wargeliyaan Go’aankaasi.

Dugsiyada Turkishka ee ka furan Goballadda Maka iyo Madiina ayaa waxaa iyagana saamayn doona Go’aankaasi.

Wasaaradda Tacliinta Sacuudiga waxay kaloo sheegtay in Dugsiyada Turkishka la xiri doono marka uu dhamaado sannad-dugsiyadeedka haatan socda.

Ilo Diplomaasi ayaa sheegay in 2,256 Arday oo dhigta Dugsiyadaasi oo aan si fiican u aqoonin Luqadda Carabiga ayaa la sheegay inay dhibaato kala kulmi doonaan haddii ay Tacliintooda ku sii wataan Manhajka la xiriira Wasaaradda Tacliinta ee Sacuudiga.

Ad
Previous articleDhalinyarada Galmudug ka soo Jeeda oo Muqdisho ku qabtay Kulan Lagu Taageerayo Madaxweyne Qoor Qoor (Sawiro)
Next articleBeelo ku dagaalamay Gobolka Galgaduud oo heshiis la dhex dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here