Home Wararka Somaliya Dhalinyarada Degmada Hobyo oo Eedeen u soo Jeediyay Maamulka (Sawiro)

Dhalinyarada Degmada Hobyo oo Eedeen u soo Jeediyay Maamulka (Sawiro)

0

Dhalinyarada Degmada Hobyo ee Gobolka Muduga Ayaa maamulka dagmada ku eedeeyay dad biyo la’aan ugu geeriyooday magaaladaas.

Kulan ay maanta magaalada Hobyo isugu yimaadeen dhalinyarada degmada ayaa waxaa looga hadlay caqabado maalmihii iyo bilooyinkii u dambeyay ka jiray magaalada oo ay dhalinyaradu si hoose ula wadaageen maamulka degmada balse marka wax laga qaban waayay ay dantu kaliftay in ay cod dheer ku sheegaan.

Magaalada Hobyo 3-dii bilood ee u dambeysay waxaa ka jiray biyo la’aan baahsan oo ay sababtay in ay dadku cabaan ceel biyoodyo wasaqeysan oo ay badi dadkii ku xanuunsadeen qaarna ay ku geeriyoodeen.Sida dhalinyarada Deegaanka ay Shirka ka sheegeen

Magaaladu waxa ay leedahay ceel biyood ay Hay’addu u sameysay balse maamulka ceelkaas ay si wadajir ah gacanta ugu hayeen maamulka dagmada iyo shaqsiyaad gaar ah hadana loo isticmaalo dano gaar ah oo baahida dadka dagmada ka Baxsan.

Ugu dambeyn dhalinyarada waxa ay codsi wadajir ah u dirayaan Gudoomiyaha Dagamada , Gudoomiye ku xigeynka dagmada iyo taliyaha booliska degmada in arintaan si deg deg ah wax looga qabto.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Masar ku wajahan iyo xogta Safarka Ra’isul Wasaaraha
Next articleC/rashiid Janan oo Muqdisho uga dhawaaqay inuu Musharax Xildhibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here