Home Wararka Maanta Dhageyso Madaxweynihii Hore ee dalka xasan Sh/ Maxamuud oo Dowladda ku weeraray...

Dhageyso Madaxweynihii Hore ee dalka xasan Sh/ Maxamuud oo Dowladda ku weeraray Dhalinyaradii.

0

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka ku saabsan xaalada dhalinyaro Soomaaliyeed oo labo sano ka hor tababar loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaasoo war iyo wacaalkooda la la’yahay, isagoo ugu baaqay dowladda in cadeyso xaalada ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay dhalinyarada loo geeyay tababarka dalka Eritrea in ay yihiin kuwo la iibsaday.

“Dhalinyaro maalgelin badan la geliyay oo la barbaariyay ayaa la yiri ciidan ayaad noqoneysaan dalkaad difaaceysaan kuwana shaqaa la idin abuurayaa,Eritrea lagu shubay,siyaasiyiinteena waa nalagu handadaa Eriterea ayay ka imanayaan waana la idin dardaraa waa la idin xasuuqaa, wax kale oo aan ku tilmaamo ma aqaan dhalinyaradaas waa la iibsaday,”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada aysan aqbalin illaa iyo hadda in ay jiraan dhalinyaro ay tababar ugu qaaday dalka Eritrea ayna dooneyso inay qariso.

“Waxaan leeyahay dowladda iyo ragga siyaasiyiinta kuwa hadda jooga iyo kuwa barigii ay dhalinyarada baxeysay xilalka hayay, laakiin aan hadda xilka heynin intaba mas’uuliyad ayaa ka saaran, waa inay sheegaan xaalkooda, sababta ay u baxeen, meesha ay aadeen iyo tiradooda, waxa ay maanta ku sugan yihiin, hooyooyinka maalin kasta dariiqa taagan ee oynaya in ilmahooda xaalada ay ku sugan yihiin in loo sheego xaq ayay leeyihiin”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday Madaxweynihii hore iyo dowlada inay sheegaan xaalada ay ku dambeeyeen dhalinyaradaas iyo xilliga ay soo noqonayaan.

Ad
Previous articleWasiirkii Hore arimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Hobyo (Sawiro)
Next articleMadaxweynihii Hore Sheekh Shariif oo Ka walaacsan Hadalkii Qaramada Midoobey ee Caruurta Somaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here