Dhageyso: Galmudug oo ka hadashey Dagaalka Guriceel, iyo Cida Gacanta ku heysa Magaalada

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa shir jaraa’id u uku qabtay galabta dhuuso mareeb waxa uu faah faahin ka bixiyey howlgalkii ay dib ugu qabsadeen maanta Guriceel.

Falagle ayaa Ahlusuna ku eedeeyey in Haween iyo Carruur dugsi qur’aan dhiganayey ay kusoo hubeeyeen kuwaas oo saaka dagaal kusoo qaaday ciidamada dawlada iyo kuwa Galmudug waa sida uu warka udhigay.

Waxay Galmudug sheegtay in dhamaan Guriceel ciidamada Amaanka ay la wareegeen oo laga saaray Ahlusuna islamarkaana ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan.

Maxaabiis ayuu sheegay in lagu qabtay dagaalkii maanta dhacay isagoo sheegay in lagu raad joogo cid walbo oo isku dayeysa inay Dawladnimada jirta ka hor timaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*