Home Wararka Maanta Dhageyso: Axmed Madoobe oo ka hadlay go’ankiisa Shirka Dhuusomareeb ka furmaya

Dhageyso: Axmed Madoobe oo ka hadlay go’ankiisa Shirka Dhuusomareeb ka furmaya

0

Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam oo Maanta Kismaayo kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya  James Swan ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay waxkasta oo lagu xalin karo khilaafka siyaasadeed ee jira.

Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in waxyaabaha la isku haayo oo ay ugu weyn tahay arrinta gobolka Gedo in auy u baahan tahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee horay loo galay loogu xaliyo.

“ Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay. Ayuu yiri” Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waxyaabo heshiis lagu yahay ay kasoo baxaan shirka magaalada Dhuusamareeb oo uu sheegay in uu tegi doono maalinta berito ah kana qeyb-geli doono.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleDagaal u dhaxeeya Labo Maleeshiyo Beeleed oo ka Socda Deegaanka Xanan-buure ee Gobolka Galgaduud
Next articleWar deg deg Ah Weerar lagu qaaday Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho