Home Wararka Maanta Dhaawac soo gaaray jilaaga caanka ee Soomaalidu u taqaanno Cali Dheere Xili...

Dhaawac soo gaaray jilaaga caanka ee Soomaalidu u taqaanno Cali Dheere Xili uu jilaayay Filim

0

Jilaaga caanka ee aflaanta Bollywood ee Amitabh Bachchan, oo Soomaalidu ay u taqaanno Cali Dheere, ayaa waxaa soo gaaray dhaawac xilli uu ku guda jiray duubista filim.

Amitabh ayaa arrintan uga warbixiyey boggiisa internetka “waxaan ka qayb qaadanayay duubista filimka ‘Project K’ , waxa uu dhaawac iga soo gaaray feeraha ayaa dhaawacmay, taasi oo sababtay in la joojiyo duubista filimkan.” Hadda waxaan ku soo laabtay gurigaygii, meesha dhaawaca iga soo gaaray waxaa ku xiran faashad,” ayuu yiri.

“Sidoo kale dawo ayaan qaatay, xanuun ayaa sidoo kale jira, way adag tahay in la dhaqdhaqaaqo iyo neefsashada, waxay qaadan doontaa dhowr toddobaad si aan u soo kabsado, dhaawacan halista ah awgeed,”

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri, “Illaa aan ka soo kabsado, shaqadaydu waan joojin doonaa.”

Jilaaga ayaa sheegay in taageerayaashiisa ay bannaanka qasrigiisa kula kulmi doonaan isbuucan .

Ad
Previous articleBooliska Gobalka Banaadir oo Qorshaynaaya inuu Weeraro Hotel Jaziira xili Mucaarad isku aruursanayaan Hotelkaas
Next articleAlshabaab oo Weerar ku billowday is-miidaamin ku qaaday Magaalo Dhawaan Laga Qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here