Home Wararka Maanta Booliska Gobalka Banaadir oo Qorshaynaaya inuu Weeraro Hotel Jaziira xili Mucaarad isku...

Booliska Gobalka Banaadir oo Qorshaynaaya inuu Weeraro Hotel Jaziira xili Mucaarad isku aruursanayaan Hotelkaas

0

Taliyaha Ciidanka booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa tagay maxkamada gobolka Banaadir kasoo qaatay warqad uu doonayo in uu ku weeraro ,sidoo kale ku handado hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay taliyaha booliiska gobolka Banaadir oo ka carreesnaa is hortaag isbuucyo kahor ku sameeyeen ilaalada hotelka xilli uu doonayay in gudaha hotelka kasoo xiro wariye Cabdalla Muumin oo hadda xabsi ku jira.

Taliye Mahdi oo aad uga xanaaqay is hortaag lagu sameeyay ayaa go’aansaday in uu warqad kasoo qaato maxkamadda gobolka si uu ugu handado cidda uu doonana uga soo xiro gudaha hotelka Jaziira.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay in taliyaha uu rabo in si joogto ah ciidamo ugu diro hotelka Jaziira si ay qalqal u galiyaan shaqada hotelka, waxa uu sidoo kale doonayaa in uu soo xiro qaar kamid ah shaqaalaha iyo ilaalada hotelka.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow ayaa qoraal uu soo saaray uga diday in awoodda dowladda lagu handado goobo ganacsi, waxa uuna sharci darro ku tilmaamay warqada uu taliyaha booliiska gobolka Banaadir usoo qaatay in la weeraro hotelka Jaziira.

”Shaarka Dowladnimada ma ahan in lagu Handado Goob Ganacsi, Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa qaaday Tallaabooyin aan waafaqsaneyn Shacriga Eey maamulka Hotel Jazeera ku handadayaan una dirayaan ciidamo aan wadan sharci eey gudaha ku galaan. Talaabo walbo oo aan sharciga waafaqsaneyn waxey keeni karta kalsooni darro iyo isku dhac, masuuliyaddaasna waxaa qaadaya taliska Booliska Gobolka Banaadir. ” ayuu yiri xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir oo ku fashilmay wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa hadda bilaabay in uu handado goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho iyo dad gaar ah.

Ad
Previous articleDeni oo si adag uga hadlay dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda magaalada Laascaanood
Next articleDhaawac soo gaaray jilaaga caanka ee Soomaalidu u taqaanno Cali Dheere Xili uu jilaayay Filim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here