Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed DEG DEG:Qarax Ismiidaamin Ahaa Oo Lagu Weeraray Madaxtooyada Hirshabelle.

DEG DEG:Qarax Ismiidaamin Ahaa Oo Lagu Weeraray Madaxtooyada Hirshabelle.

0

Waraka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qarax Ismiidaamin ahaa uu goordhow ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in qof watay jaakado ay ka buuxeen qaraxyo uu isku qarxiyay kontrolka ku yaala iridka laga galo xarunta madaxtooyada, waxaana jugta qaraxaasi laga maqlay xaafado badan oo kamid ah magaalada Jowhar.

Dad goobjayaal ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxan, iyadoo aan la ogeyn hadii uu jiro mas’uiliyiin wax ku noqotay weerarkan.

Magaalada Jowhar waxaa maalmihii la soo dhaafay joogto ka noqday qaraxyo u badan Ismiidaaminta, iyadoo aaney muuqan qorshe cad oo maamulka Hirshabelle uga dagsan arrimahan.

 

 

Ad
Previous articleMuqtaar Rooboow abuu-mansuur oo xilka la wareegay {Sawiro}
Next articleMareykanka oo Markab Dagaal usoo diray Soomaaliya ,waxaana Booqday Masuuliyiin Dowladda ka Tirsan (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here