Home Wararka Maanta DEG DEG:Halyeygii suugaanta iyo af-Soomaaliga oo geeriyooday

DEG DEG:Halyeygii suugaanta iyo af-Soomaaliga oo geeriyooday

0

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Naasir Yuusuf Daahir oo ah Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Jamhuuriyada iskeed ugu dhaaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Abwaanka ayaa dhowaanahan xanuunsayay.

Abwaanka oo laf-dhabar u ahaa suugaanta Soomaalida, oo sameeyay heeso badan oo caan baxay, waxyaabaha lagu xusuusto waxa ka mid ah socdaalkii nabadda ee ku maray inta badan gobollada Soomaaliya burburkii dowladda kaddib. Wuxuu ka qeyb qaatay silsilado maanso, si aad ahna wuxuu uga soo horjeestay dowladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya. taariikhdiisa iyo dhacdooyinka lagu xusuusto noloshiisa ayaan halkan dhowaan idinkula wadaagi doonnaa.

Ad
Previous articleDowladda Britain oo ku dhawaaqday bixinta lacag malaayiin dollar ah oo Soomaaliya lagu Taageeray
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Usoo Jeestay Waxqabad Dhab ah ayaa Gaaray Degmada CAABDUDWAAQ(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here