Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun!!.
Alle ha u naxariisto Wariye Axmed Xuseen Caddow oo ka tirsanaa Shaqaalaha Warbaahinta Dalsan ayaa goordhaw ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho,kadib xanuun dhanka Wadnaha ah oo maalmaha uu isbitaalka la jiifay.
Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Dalsan ayaa xaqeejiyay geeriday waxayna tacsi tiiraanyo ley u direen Ehelkii,Asxaabtii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuumku dhammaantood samir iyo iimaan Alle haka siiyo,isagana waxaan Alle uga baryeynaa inuu Jannadii ka waraabiyo.
Marxuum Axmed Xuseen Caddow ayaa Tifaftire kasoo noqday Idaacadda Dalsan isagoo ka mid ahaa shaqaalaha ugu firfircaan Warbaahinta Dalsan.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun!!.
Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho
Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta
Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi
Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay
Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24
Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed
Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad