Home Wararka Maanta Deg Deg: Qarax Xoogan oo ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa(Sawiro)

Deg Deg: Qarax Xoogan oo ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa(Sawiro)

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Qarax caawa maqribkii ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare nafeed iyo burbur hantiyeed.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari ay la socdeen saddex muwaadiniin u dhashay dalka Turkiga iyo darawalkooda oo Soomaali ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhamaan dadkii la socday gaarigaas ee iskugu jiray Soomaalida iyo Turkiga ay ku dhaawacmeen qaraxaas, kuwaasoo haatan lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa burbur xoogan uu ka soo gaaray gaariga ay la socdeen oo waxyeelo xoogan ay ka soo gaartay qeybaha hore, waxaana halkaas gaaray qaraxa ka dib ciidamada amaanka DF.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe ee Magaalada Nairobi u Safray iyo Sababta oo la Shaaciyay
Next articleQarax Ka dhacay Degaanka Xananbuure iyo Qasaare Dhimasho iyo Dhaawac leh oo ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here