Abaabulka Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa hadda ka socda magaalada Muqdisho.
16 Xubnood oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa wada abaabulkaan, kaas oo la rabo in xilka looga tuuro Guddoomiyaha Guddigaas Maxamed Xasan Cirro.
Eedeymaha loo jeedinayo Maxamed Xasan Cirro waxaa qayb ka ah in uu ku dhax milmay siyaasaddaha is diiddan ee dalka iyo in uu gabay doorkiisa dhax dhaxaadnimada ah, isagoo taas badelkeeda si weyn iskugu dhiibay Farmaajo oo raba in uu carqaladeeyo hannaanka ay u socoto doorashada dalka.
Ad