Home Wararka Maanta Agaasimihii Guud oo lagu edeeyey Musuqmaasuq oo Xilka laga qaaday iyo Mid...

Agaasimihii Guud oo lagu edeeyey Musuqmaasuq oo Xilka laga qaaday iyo Mid Cusub oo lamagacaabay

0

Wasiirka Wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga xukuumadda Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaqada ka joojiyay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, kadib eedeymo culus oo loo jeediyay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Qorsheynta ayaa shaqada looga joojiyay Cabdiqaadir Maxamed Aaden oo ahaa agaasimihii guud ee Wasaaradda, waxa uuna wasiir Jamaal ku eedeeyay agaasimaha ku tarkrifal awoodeed iyo arimo kale.

Wasiirka Qorsheynta ayaana magacaabay agaasime kmg ah oo shaqada sii wadaya, waxaana xilka ka qaadista agaasimaha la sheegay in ay salka ku heyso khilaaf labada masuul mudooyinkan u dhaxeesay.

Halkan ka Akhriso Wareegtada xil ka qaadista

Ad
Previous articlewafdi u hogaaminaayo Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo Maantay lagu wado inay Gaaran Garowe
Next articleDeg Deg Mooshin ka dhan ah gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Heer federaal oo Muqdisho Kasocda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here