Hogaamiuihii Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#138 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa aad ugu Soo Horjeeday Dowlada Farmaajo 5sano ee lasoo Dhaafay, Waana Tilaabo Dhabar jabwayn Ku ah Farmaajo iyo Fahad oo isku Dayay inay Dhaafiyaan Kuraigaan Cabdiraxman Cabdishakuur.
Waana Kursigii Ugu Horeeyey ee Saakay lagu Doorto Dhuusamareeb,Sadex kale oo uu Kujiro Kursiga Kulane Jiis ayaa Saacadaha Soo Socda lagu Dooran doona Dhuusamareeb.
Ad