soo baxaya ayaa sheegaya in dib loo dhigay banaanbaxii beri ka dhici lahaa magaalada Muqdisho kaasoo ay abaabulayeen xubno ka tirsan mucaaradka dowlada Somalia.
Dibed baxan ayaa ujeedadiisu aheyd in lagu taageero qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaranka, laguna cambaareeyo talaabadii isku dayga afgembi lagu sheegay ee dhowaan lagu sameeyey RW Rooble.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hoggaaminayay qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Muqdisho iyo Guddigii qaban qaabada bannaan baxa berri dhici lahaa ayaa isku afgartay in dib loo dhigo bannaanbixii loo balansanaa.
Ugaaska ayaa ku guuleystay dadaalo uu saacadihii la soo dhaafay waday, isagoo gogol u dhigay dhinacyadii ku lugta lahaa qaban qaabada bannaanbaxa oo laga cabsi qabay inuu khalalaase ka dhaliyo Muqdisho, lamana shaacin xiliga kale ee la qaban doono.
Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen
Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu
Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA