Home Wararka Somaliya Galmudug Deg Deg: Axmed Macalin Fiqi uu ku dhawaaqay inuusan Musharax Xildhibaan...

Deg Deg: Axmed Macalin Fiqi uu ku dhawaaqay inuusan Musharax Xildhibaan ahayn

0

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada ugu caansan baarlamanka muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ku dhowaaqay inaanu mar kale u tartamni doonin kursiga HOP#38 ee uu ku fadhiyo.

Fiqi ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Farmaajo, waxayna dhowaan isku dhaceen madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Kursiga HOP#38 ayaa yaalla Gaalkacyo.

Hoos ka aqriso qoraal uu soo saaray Fiqi

Waxaa maalmihii la soo dhaafay oo dhan xiriiro kala duwan ila soo sameeyey asxaab badan iyo qaar ka mid ah taageerayaashayda, gaar ahaan arrinta la xiriirta u tartamidda kursiga HOP#038 ee aan ku fadhiyey.

Marka koowaad waxaaan u mahadcelinayaa asxaabtayda iyo qaraabadaba, waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn inaanan u tartamayn kursigaas saandkaan arrimo ii gaar ah awgood iyo anigoo naftayda u Quuri waayey in aan hoos-fariisyo geed dullinomo kursi-doon awgii iyo dhanka kale siyaasaddu in aysan ahayn oo kaliya barlamaanka oo xubin laga noqdo.

Waxaan kursigaas ku matalayey barlamaankii 10-aad dad iyo deegaankii ii soo igmaday iyo qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna kursigaasi ahaa mid tilmaaman, lagu matalayey aqoon, aragti siyaasadeed oo xor ah iyo dulqaad, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadii fara ku tiriska ahaa ee kaligitaliska tooshka ku ifiyay inta uusan ficilooyinkiisii gurracnaa la soo bixin. Wuxuu ahaa kursi lagu ilaaliyo Soomaalinimada, qaddiyadaha umadda Soomaaliyeed u taagan yihiin iyo mid lagu saxo taliska Villa Somalia

Ad
Previous articleRuushka oo ku dhawaaqay Dagaal ka Dhan ah Maraykanka
Next articleDabageed “Aniga iyo Madaxweynaha HIrshabelle hal sano iyo bar ayaan isla shaqeynaynay isma khilaafin, kuraas dad loo xiraa ma jiraan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here