Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dabageed “Aniga iyo Madaxweynaha HIrshabelle hal sano iyo bar ayaan isla shaqeynaynay...

Dabageed “Aniga iyo Madaxweynaha HIrshabelle hal sano iyo bar ayaan isla shaqeynaynay isma khilaafin, kuraas dad loo xiraa ma jiraan”

0

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yusuf Ahmed Hagar Dabageed ayaa beeniyey eedo loo soo jeediyey oo ku aadan inuu madaxtooyada dowlada Soomaaliya kala shaqeynaayo sidii dad gaar ah oo ay wadato loogu xiri lahaa kuraasta qaar.

Jawaabta Dabageed ayaa timid iyadoo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe uu dhowaan sheegay in doorashada si furan loogu tartamayo, aysana jirin musharaxiin kuraas loo xirayo, waxayna arrintaas sababtay sida wararku sheegayaan iney iska hor yimaadaan dabageed oo ah Ku-xigeenkiisa, kaasoo doonaya in kuraasta qaar loo xiro musharaxiin uu Dano gaar ah ka leeyahay iyo qaar ay wadato Somalia.

“Aniga iyo Madaxweynaha HIrshabelle hal sano iyo bar ayaan isla shaqeynaynay isma khilaafin, kuraas dad loo xiraa ma jiraan wararkaasna waa been abuur iyo bajaa iyo bajaa aan waxba ka jirin, dadka war xumo tashiilka wareejinayaa waxaan leenahay raali ahaada” ayuu yiri Dabageed.

Dabageed ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweyne Guudlaawe ay xiriir wanaagsan la leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble, hase ahaatee been abuur yihiin wararka sheegaya in isaga iyo Cali Guudlaawe ay isku dhacsan yihiin.

Ad
Previous articleDeg Deg: Axmed Macalin Fiqi uu ku dhawaaqay inuusan Musharax Xildhibaan ahayn
Next articleImaaradka Carabta iyo Qatar oo Diiday Codsi uga Yimid Madaxweynaha Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here