Sida ay warar xaqiijinayaan Dagaal u dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Dawlad deegaanka Soomaali Galbeed iyo kooxada Alshabaab ayaa ka bilowday agagaarka deegaanka Laasqurun oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, una jirta Degmada Feer-Feer 20KM.
Ciidamada ayaa 3 jiho ka weeraray goobtan oo ay isku aruursanayeen saacadihii lasoo dhaafay kooxahan Alshabaab oo habeen kahor kasoo gudbay Soohdinta Baladweyne.
Taliyaha Guutada 7aad ee Ciidamada Soomaaliya iyo Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa labaduba qiray in 200 Maleeshiyaad katirsan Argagixisada ugudbeen deegaanada Xaduuda.
Isgaarsiinta ayaa labo habeen kahor laga jaray Baladweyne iyo FeerFeer, xiligaas oo ay gudaha magaalada Baladweyne dhexmareen kooxahan oo hubeysan, magaaladan waxaa kusugan 4kun oo Askari kana kala socda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Jabuuti.