Home Wararka Somaliya Somaliland Mucaaradka Somaliland oo ku Hanjabay tallaabada ay qaadayaan November Kadib Baaqna...

Mucaaradka Somaliland oo ku Hanjabay tallaabada ay qaadayaan November Kadib Baaqna Diray

0

Musharaxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka.

Cirro ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyey xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo ku aadan qabashada doorashada.
Musharaxa ayaa shaaca ka qaaday, haddii la gaaro waqtiga doorashada oo ku asteysan 13-ka bisha November inay kursiga u siman yihiin isaga iyo Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin tallaabooyinka ay wado xukuumadda oo ku tilmaamay inay yihiin kuwo daan-daansi ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Haddii Muuse Biixi Cabdi uu doorashada qaban waayo 13ka November 2022 kursiga wuu inoo siman yahay, mana aqbali doonno tallaabo weliba oo daan-daansi ah, talada oo cid gaar ah marooqsata waa cadawga 1-aad ee Nabadda”  ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta dibad-baxyada, isaga oo sheegay inay dib u bilaaban doonaan isu soo baxyo looga soo horjeedo muddo kororsiga madaxweynaha.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa shacabka ugu baaqay inay diyaar garoobaan, si ay u muujiyaan shucuurtooda ku aadan xaaladda murugsan ee Somaliland, gaar ahana doorashooyinka
“Taageerayasha Axsaabta Mucaaradka waxa aan u sheegeynaa in dib loo billaabi doono mudaharaadyadii nabadda ahaa oo dhammaan ka qabsoomi doona Gobollada, Xukuumadda kama aqbali doonno in ay xukunku ku xalaalsato cabsi gelinta Dadka” ayuu markale yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo u sharaxan xisbiga Wadani.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan lagu kala kacay wadahadalladii u socday xukuumadda iyo mucaaradka, kadib markii la’isku fahmi waayey, waxayna uga sii dartay xiisadda ka taagan doorashada oo ku waqtiyeysan 13-ka November ee sanadkaan 2022.
Ad
Previous articleDeg Deg: Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod u Qaaday In P.M Xamse 10 Cisho loogu Daro Waqtiga Soo Dhisida Wasiirada
Next articleDeg Deg: Alshabaab oo Jiha Cusub Ka Weeraray Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Dagaal Qaraar oo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here