Home Wararka Somaliya Deegaanka Balli-howd oo Gobolka Galgaduud oo Dad shacab ah lagu dilay

Deegaanka Balli-howd oo Gobolka Galgaduud oo Dad shacab ah lagu dilay

0

Maleeshiyaad hubeysan ayaa deegaanka Balli-howd oo ka tirsan degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ku dilay laba qof oo rayid ah, kadib markii ay goobta ka baxsadeen.

Labadan nin ayaa la sheegay in laga kaxeystay gaarigii ay la socdeen iyagoo ka yimid degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galguduud kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Dilalka ayaa la sheegay inay salka ku hayaan aanooyin qabiil oo sanado badan xiisad ka taagnaa deegaanka waxaana dilalka aargoosiga ah ku soo badanaya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Dilka labada qof ee rayidka ah ee ka dhacay deegaanka Balli-howd oo hoostaga Balanballe ayaa imaanaya xilli dagaal beeleed uu ka dhacay deegaanka Mira-awleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleCiidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo ka baxay Deegaano ay dhawaan qabsadeen
Next articleAskar Mareykan ah iyo Shacab Reer Afghanistan oo lagu laayay Qarax ka dhacay Kaabul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here