Home Wararka Somaliya Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo ka baxay Deegaano ay dhawaan qabsadeen

Ciidanka Galmudug iyo kuwa Dowlada oo ka baxay Deegaano ay dhawaan qabsadeen

0

Kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya,  Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan lasoo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan qabsashada deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara.

Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasi oo muddo kooban ay haysteen  Al-Shabaab.

Isla maalinkaas, warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa soo tebisay in duqayn cirka ah lala beegsaday ururka Al-Shabaab, nawaaxiga Camaara.

Militariga Mareykanka ayaa goor dambe sheegay in fuliyeen duqeyntaas.

Ad
Previous articleAlshabaab oo dib ula Wareegay Camaara iyo Bacaadweyn ee gobalka Mudug
Next articleDeegaanka Balli-howd oo Gobolka Galgaduud oo Dad shacab ah lagu dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here