Home Wararka Maanta Dani oo siiwada Kulamada Musharaxiinta, Maantana La Kulmay Musharax….

Dani oo siiwada Kulamada Musharaxiinta, Maantana La Kulmay Musharax….

0

Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan xasaasiya ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay kaga wada-hadleen labada mas’uul xaalada cakiran ee dalka iyo wada-hadalka doorashada ee la filayo inuu dhawaan qabsoomo, taasi oo caasimada u yimid madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu kulankaan qeyb ka noqonaya kulamo gooni-gooni ah oo uu Musharax Jabriil uu la qaadanayo dhamaan Siyaasiyiinta kala, Madaxda dowladda federalka ah, Maamul-gobaleedyadda iyo Bulshada rayidka ah.

Jabriil ayaa u muuqda musharaxa keliya ee maalmihii u dambeeyay dadaal xoogan ugu jira sidii dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah oo dhinacyada is-haya ay raali ku yihiin.

Musharaxa oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa waxa uu hore ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili ay meel adag mareyso xiisada doorashada oo ay isku hayaan dowladda federaalka, maamulada iyo midowga musharaxiinta, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleMaxuu yahay Heshiiska ay Maanta kala saxiixdeen Kenya iyo Qatar.
Next articleMusharax C/raxmaan C shakuur ” Ciidamada waxaa Lagu Kala wadaa kala qeybin