Home Wararka Caalamka Dalka Carooday in lagu Daray Liis ay Soomaaliya Ku Jirtay

Dalka Carooday in lagu Daray Liis ay Soomaaliya Ku Jirtay

0

Dowlada Colombia ayaa si weyn uga carootay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in dalkaasi uu kamid yahay 20-waddan oo oo xilligan baahi weyn ka jirto una baahan gargaar .

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Colombia ayaa si weyn uga carootay in dalkeeda lagu daray liiska waddamo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Yemen, waxa ayna wasaaradda ka dalbatay  xafiiska hay’adda FAO ee  Rome in liiskaasi deg deg looga saaro.

Dowladda Colombia ayaana meesha ka saartay warbixintan kasoo yeertay Qaramada Midoobay xilli qeybo badan oo kamid ah dalka Colombia ay ka jirto xaalad abaar ah iyo raashin yari dadka lasoo daristay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Berraha iyo hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa si wadajir ah  u shaaciyay in Colombia kamid tahay 20-dal oo xaalad cunto yari ah ka jirto ayna gargaar u baahan yihiin dad gaaraya 7.3 milyan oo reer Colombia ah .

Dalalka kale ee Qaramada Midoobay shaacisay in xaalad cunto yari iyo abaaro baahsan ka jiraan waxaa kamid ah Soomaaliya, , Suudaanta Koonfureed, Itoobiya, Madagascar, Yemen iyo waddamo kale.

Ad
Previous articleTababar ku saabsan Sugida amniga Doorashooyinka oo Dhuusamareeb loogu Qabtay Ciidamada Booliska(Sawiro)
Next articleDowlada Kenya oo Muwadiniin Soomaaliyeed oo Danbiyo Ku edaysanaa ugacan Galisay Dowlada Uk