Home Wararka Maanta Dal Soomali badan ay niyadda ku hayaan inay u safraan oo kuwii...

Dal Soomali badan ay niyadda ku hayaan inay u safraan oo kuwii ku noolaa ka cararayaan

0

Canada waa dal riyo u ah malaayiin qaxooti iyo magangalyo-doon ku nool daafaha dunida, hase yeeshee riyaadaas ah in dalka laga dhigo mid weyn ayaa isku beddeshay dagaal ay ku badbaadaan soo galootiga badan taas oo ay ugu wacan tahay qiimaha sare ee nolosha, kirada guryaha iyo tirada sii kordhaysa ee socdaalka.

Ra’iisul wasaare Justin Trudeau ayaa socdaalka ka dhigay hubkiisa ugu weyn si uu u daboolo caqabadda weyn ee Canada ee gabowga iyo gaabinta dadweynaha, waxayna sidoo kale gacan ka geysatay kobaca dhaqaalaha.

Hadda lixdii bilood ee ugu horreysay 2023 ilaa 42,000 oo qof ayaa ka dhoofay Canada, waxaana tirada lagu daray 93,818 qof oo baxay sanadkii 2022-kii iyo 85,927 oo ka baxay 2021-kii sida ay muujisay xogta rasmiga ah.

Warbixin uu dhawaan sii daayey Machadka Dhalasha ee Canada oo ah koox u doodda socdaalka ayaa sheegtay in heerka soo galootiga Canada uu gaaray meel sare labo iyo tobankii sano ee la soo dhaafay haba ugu darnaadee sanadkii 2019-kii.

Tirooyinka ayaa muujiyey hoos u dhac markii la soo rogay xayiraadaha Covid-19, hase yeeshee mar kale ayey xogta tirakoobka Canada muujinaysaa inay kor u kacday, waxaana tiradaas qayb ka ah 263,000 oo dalkaasi tagay.

Dalkan lagu dhisay soogalooti ee Canada ayaa wajahaya halis inay wiiqdo arintan mid ka mida siyasdaha ay meel marisay xukuumada Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau, kaas oo siisay degganaansho rasmi ah 2.5 milyan oo qof siddeed sano gudahood.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa la hadashay nus darsin qof oo ka tagay dalka ama isu diyaarinayay inay sidaas sameeyaan, sababtoo ah qiimaha maciishadda oo sarreeya.

Dadkaas waxaa ka mid ah Cara oo 25 sano jir ah, waxay Canada qaxooti ahaan ku tagtay sanadkii 2022-kii iyagoo ka tagtay Hong Kong, hadda waxay bixisaa 650(C$) lacagta dalka ah oo u dhiganta ($ 474) kirada bilaha ah ee hal qol oo ku yaal dhisme dabaq ah oo ku yaal dabaq Scarborough ee bariga Toronto kaas oo la macno ah in 30% mushaarkeeda bishii ay ku bixiso kiro.

“Weligay ma aanan dareemin in ku noolaanshaha waddan reer galbeed ah, aad awoodi karto oo kaliya inaad kireysato qol ka mid ah qaybta hoose” ayey tiri.

Waxay diidday inay magaceeda runta ah sheegto sababtoo ah waxay ka soo carartay Hong Kong ka dib markii ay ka qayb qaadatay mudaaharaadyadii 2019kii kaas oo looga cabaneyey sara u kaca biilasha si la kay kala kulantay wadankii ay magan galyada ka heshay.

Cara waxay ka shaqeysaa saddex shaqo oo waqti-dhiman ah, taasoo ka dhigaysa mushaarka ugu yar ee Ontario oo ah C$16.55 saacaddii, waxayna aadaa dugsi waxbarasho oo dadka waaweyn ah si ay u hesho buundooyinka jaamacadda.

Si hubaal ah, socdaalka boqolkiba tirada guud ee dadka Canada waxay ahayd wax sare 0.2% bartamihii 1990-meeyadii, waxayna hadda taagan tahay 0.09%, marka loo eego xogta rasmiga ah ee dawladda.

In kasta oo tiradu ay yar tahay hadda, qareennada iyo la-taliyayaasha socdaalka ayaa ka digaya in soo qaadistu magan galyo doon ay mugdi gelin karto Canada oo ah mid ka mid ah meelaha aadka loo jecel yahay.

Soogalootiga ayaa loo tirinayaa eedaha ah qiimaha guryaha ee cirka isku shareeray inay ka yihiin sababta ugu weyn ee go’aankooda ah inay tixgeliyaan waddan cusub.

Celcelis ahaan Canada 60% dakhliga qoyska ayaa loo baahan doonaa si loo daboolo kharashaadka lahaanshaha guriga, tiradaas oo kor u kacday 98% Vancouver iyo 80% Toronto, RBC sida ay shaacisay warbixintii Sebtember.

“Waxaa jirta muhiimad dhab ah oo lagu abuurayo khibrado togan sanadahaas hore si ay dadku u go’aansadaan inay sii joogaan.” ayuu yiri Daniel Bernhard, madaxa ICC.

Myo Maung waa 55 sano jir, waxay Canada ugu soo haajirtay Myanmar sodon sano ka hor, waxa uu samaystay shaqo guul leh oo ah wakiilka guryaha iyo dib u habeynta.

Laakiin wuxuu qorshaysanayaa inuu howlgab ku noqod wadan sida Thailand oo kale ah maadama uu u arko in heerka nololeed ee Canada uusan ku ilaalin karin dakhligiisa howlgabka.

Phil Triadafilopoulos, oo ah borofisar cilmiga siyaasadda kuna takhasusay socdaalka kana tirsan Jaamacadda Toronto (UofT), ayaa sheegay in soogalootiga degdega ah ay uga sii darayso guri la’aanta.

“La yaab maaha markaa in dadka haysta ikhtiyaarka… ama ay aadaan waddan kale ama ay ku noqdaan dalkoodii iyagoo dhadhamiyey xaaladda Canada.” Ayuu yiri Triadafilopoulos.

Dowlada ra’iisul wasaare Trudeau waxay Bishii hore bartilmaameedkeeda dadka cusub ka dhigtay nus milyan sannadkii laga bilaabo 2025-ka wixii ka dambeeya si ay u yarayso cadaadiska suuqa guryaha.

Justinas Stankus waa 38 sano jir, wuxuu ka tagtay Lithuania isagoo sanadkii 2019-kii tagay Canada si uu u sii wato shahaadada cilmiga siyaasad ee (UofT) balse hadda wuxuu ka fekerayaa inuu u guuro koonfurta bari ee Aasiya halkaas oo qiimaha noloshu ka hooseeeyo Canada uuna ka sii wadan karo cilmi baaristiisa.

Stankus wuxuu biixyaa 2,000 oo lacagta Canada ah, kirada hal qol iyo asaasiyaadkiisa kale, kororka kharashaadka nolosha taas oo uu sheegay inay ka hor istaagto inuu iibsado waxyaabo aasaasi ah oo uu u baahan yahay

Cara oo u dhalatay Hong Kong ayaa sheegtay inay dareemayso inay ku xayiran tahay oo ay doonayso inay baxo mar kasta oo ay hesho fursad ay ku baxdo.

Ad
Previous articleAustralia oo soo saartay war aan ka farxin muhaajiriinta ay Soomaalidu kamid tahay
Next articleMadaxda Galmudug oo Wali ku sugan Hobyo iyo Shirka Golaha Wasiirada Oo lagu Qabtay Hobyo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here