Home Wararka Maanta Soomaaliland oo Saraakiil Sar sare u dirtay Itoobiya Xili ay Weerar isku...

Soomaaliland oo Saraakiil Sar sare u dirtay Itoobiya Xili ay Weerar isku Diyaarinayso

0

Wafdi saraakiil ah oo ka socda xukuumadda Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland , Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, kaas oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federal Ethiopia Commissioner General Demelashe G/Mechiel.

Ujeedka safarkan ayaa la xiriira iskaashiga labada dhinac, ee amniga iyo tababarada ciidamada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

“Safarkan oo ujeedadiisu ahayd iskaashiga labada dawladdood ee dhinac amniga iyo Tababarrda labada Ciidan Boolis , Kulankaas oo ay Taliyaha ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska JSL” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu ballamay kulamo kale oo xasaasi ah, kuwaas oo looga hadlayo iskaashiga Hargeysa iyo Addis Ababa oo muddooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay.

Itoobiya ayaa dhankeeda horay wafdi culus ugu dirtay Somaliland, kuwaas oo booqday magaalada Hargeysa, waxaana ujeedka u ahaa xoojinta xiriirka labada dhinac,

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa daba socda heshiiskii badda ee labada dhinac, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya oo soo saartay go’aanno ka dhan ah Itoobiya.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa u muuqdo kuwa diblumaasiyadeed, ugana sii daraya xiisadda haatan taagan ee ka dhalatay badda, taas oo laga dareemayo gobolka intiisa kale.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn ee hareysay Ciidanka Danab
Next articleWar Deg Deg ah: Qaraxyo Caawa Ruxay Muqdisho iyo Khasaaro ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here