Home Wararka Caalamka Dagaalka Ukraine: Ruushka ma wuxuu miciin-biday hubka Kuuriyada Waqooyi?

Dagaalka Ukraine: Ruushka ma wuxuu miciin-biday hubka Kuuriyada Waqooyi?

0

Ruushka ayaa ku qasbanaaday inuu qalab milatari ka soo iibsado Kuuriyada Waqooyi , iyada oo cunaqabataynta saaran aysan Moscow u suuragalinayn inay militarigeeda ay gaarsiiso hubka iyo qalabka ay u baahan yihiin si ay u joogteeyaan dagaalka Ukraine.

 Sarkaal Maraykan ah ayaa shaaca ka qaaday in Moscow ay waddo geedi socod ay malaayiin gantaalo iyo madaafiic ah kaga soo iibsanayso Pyongyang si loogu isticmaalo dagaalka Ukraine.

 Saraakiisha ayaa intaa ku daray in Ruushka uu ku qasbanaan karo inuu iibsado hub dheeri ah oo Kuuriyada Waqooyi uu ka iibsado maadaama dagaalka Ukraine uu sii daba-dheeraaday.

 In Ruushka uu hub kasoo  iibsado Kuuriyada Waqooyi waa calaamad muujinaysa “gabaabsi dhanka saanadda militariga ah” ee  haysato Ruushka,  ayuu  intaasi ku daray sarkaalka.

 Xogtan waxaa markii ugu horreysay shaaciyay wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.

 Wasaaradda gaahsaandhiga ee Ukraine ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay jawaab jees-jees ah oo ku aaddan warbixinta, iyadoo sheegtay in tani ay muujinayso in  “hubka Sofiyeetka” uu yahay mid dhamaaday oo aan awood lahayn.”

 Wasaaraddu waxay sheegtay in markii Ukraine ay u weecatay hubka heerkiisu sarreeyo ee Nato, Ruushku uu u jeedsaday dhanka  Kuuriyada Waqooyi – ha noqoto dhinaca “hubka, siyaasadda ama heerka nolosha.”

 Maamulka Kim Jong-un ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu mas’uul ka yahay iskahorimaadka, wuxuuna ku eedeeyay reer galbeedka inay wadaan “siyaasad ah inay iyagu wax walba iyaga looga dambeeya” taasi oo qiil u siisay Ruushka dagaalka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamada Galmudug iyo Dadka Degaanka Oo Alshabaab Xoog ugasaaran Deegaano Hor leh
Next articleMasaajid Kuyaala Maraykanka oo laweerarar Hanti Badana Laga Qaatay