Home Wararka Maanta Dagaal u dhaxeeya Soomaalid iyo Oromada oo ka dhacay Qolaji

Dagaal u dhaxeeya Soomaalid iyo Oromada oo ka dhacay Qolaji

0

Wararka laga helayo dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in shalay uu dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada deegaanka Oromada iyo kuwa deegaanka Soomaalida kaas oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qolaji.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha dagaalka ka dhashay iyo waxa uu salka ku hayo, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado qaatay uu gaystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaanka Qolaji waa deegaan ay ku suganyihiin boqollaal barakacayaal ah Soomaali ah oo horey uga barakacay dagaallo dhex maray Oromada iyo Soomaalida.

Ad
Previous articleMareykanka oo baafinaya diyaarad dagaal oo ka luntay qofkii arkow nala soo hadal
Next articleDagaal culus oo kasocda deegaanada Balicad iyo Bali sonkor ee Galmudug