Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Qaaraar oo Maantay Ka Dhacay Galmudug iyo Khasaaro Badan oo ka...

Dagaal Qaaraar oo Maantay Ka Dhacay Galmudug iyo Khasaaro Badan oo ka Dhashay

0

Wararna Naga Soo Garaaya Galmudug Gaar ahaan Galgaduud ayaa Xaqiijinaaya in Dagaal Culus Saakay ka Qarxay uu Gaystay khasaaro Xooga oo Dhimasho iyo Dhaawac leh.

ku dhawaad 10 ruux ayaa ku naf waayey halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantey dagaal mudo saacado ah maanta ka socdey deegaan miyo ah oo u dhexeeya hul-kujir iyo laandheer.

Meydadka iyo dhaawacyada dhinacyada dagaalamaya ayaa lakala geeyay magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq oo ay kasoo Kala jeedaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

Dagaalkaan Culus ayaa Dhexmaray lama Maleeshiyo Beelood oo kasoo kala Jeeda Beelaha Dir iyo Mareexaan kuwaas oo Mudooyinkii Danbe Dad iska Dilay.

Dagaalka ayaana Si iskiisa ah u joogsaday kadib markii Khasaaruhu Kubatay Labada Koox Maamulka Galmudug ayaanan Wali Ka Hadlin Dagaalkaan Tan iyo Saakay Socday.

Ad
Previous articleBooliska Oo War Kasoo Saaray Qaraxyo Xalay Ruxay Muqdisho
Next articleShaqaale Ka Tirsan Shirkada Hormuud oo Lagu laayay Qarax ka Dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here