Home Wararka Maanta Booliska Oo War Kasoo Saaray Qaraxyo Xalay Ruxay Muqdisho

Booliska Oo War Kasoo Saaray Qaraxyo Xalay Ruxay Muqdisho

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xalay siyaabo kala duwan looga maqlay magaalada Muqdisho.

Qaraxa koobaad ayaa la dhigay afaafka hore ee saldhigga Degmada Waabari, kaas oo lagu dhex qariyay bac, waxaana ka hortegay ciidanka ammaanka ee dowladda.

Sidoo kale waxaa qaraxyo laga maqlay meelo ay ka mid tahay Degmada Boondheere.

War kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in inta badan dhawaaqa qaraxyada la maqlayey ay ahaayeen kuwa dheemish ah, isla markaana aysan gaysan wax khasaare ah.

“Waxaan Shacabka Caasimadda ku nool ogaysiinaynaa in dhawaaqa ay maqleen ay tahay uun baco la dhigay dhawr goobood oo kala duwan sidaas awgeed, wax dhib ah aanay jirin, magaaladuna waa nabad” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay taliska Booliska.

Ad
Previous articleShirka Nabadaynta Beelaha Sacad iyo Leelkase oo Ka furmay Gaalkacyo(Sawiro)
Next articleDagaal Qaaraar oo Maantay Ka Dhacay Galmudug iyo Khasaaro Badan oo ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here