Home Wararka Maanta Dagaal ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faafaahin kasoo baxaysa

Dagaal ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faafaahin kasoo baxaysa

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo kooxo burcad hubeesan oo xirnaa dareeska milatariga ayaa xalay ka dhacay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka dhax maray kooxda burcada hubeesan iyo ciidamada booliiska ayaa daqiiqado dhoor ah socday, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku dhintay mid kamid ah ragii la dagaalamay ciidanka booliiska, waxaa sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay dhoor qof uu ku jiro taliye ku xigeenka saldhigga booliiska degmada Kaaraan Daa,uud Dalmar .

Degmada Kaaraan waxaa ku xoogan kooxaha burcada hubeesan ee u abaabulan qaab beeleed, waxaana xaafadaha degmadaasi si joogta ah uga dhaca dilal, kufsi iyo dhac loo geesto dadka shacabka.

Ad
Previous articleSawiro:- Duqa Degmada Gaalkacyo Oo Agab Gaarsiiyay Dadka Qaba Baahiya Gaarka ah
Next articleMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Lafta Gareen oo Lagu Cadaadinaayo in Muqdisho gaaro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here