Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo ka Socda Tan iyo saakay Magaalada Muqdishu

Dagaal Culus oo ka Socda Tan iyo saakay Magaalada Muqdishu

0

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan milatariga Soomaaliga gaar ahaan kuwa u abaabulan hab beeleed ayaa ka socda xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo ay kala hogaaminayaan labo korneel oo katirsan milatariga Soomaaliya, waxaana dagaalkan salka ku hayaa dhul la sheegay in la isku heesto.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaalka u dhaxeeya ciidamada iska soo horjeeda isku adeegsanayaan hub nuucyo kala duwan leh, waxaana rasaasta la is dhaafsanayo gaarayaan xaafado ka fog fog halka lagu dagaalamayo.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka ka dhashay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amaanka oo ku aadan dagaalkan ka socda Kaaraan.

Degmada Kaaraan oo hada loo aqoonsaday degmada ugu amaanka xun ee kutaala Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dagaalo dhax mara saraakiil iyo ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya balse u abaabulan qaab qabiileed.

Ad
Previous articleMunaasabad Si wayn loosoo Agaasimay oo Madaxweyne Farmaajo ka qayb galaayo oo Haatan Moqdisha Ka Socota(Sawiro)
Next articleDeg Deg Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here