Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo ka dhex-qarxay kooxaha Falastiiniyiinta

Dagaal Culus oo ka dhex-qarxay kooxaha Falastiiniyiinta

0

Iska hor-imaadyo ayaa maalintii saddexaad maanta ka socda xero qaxooti oo Falastiiniyiinta ay degan yahay oo ku taalla dalka Lubnaan, kuwaas oo u dhaxeeya kooxda Fatax ee madaxweyne Maxamuud Cabaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta oo isku dhaanc ah.

Khasaaraha dhimashada ee dagaalka ayaa maanta gaaray sagaal, sida ay sheegeen saraakiisha Lubnaan.

Afhayeen u hadlay ciidamada Lubnaan ayaa xaqiijiyey tirada khasaarihii ugu dambeeyey ee xerada Cayn Al-Xilwah. Laba askari oo oo ku sugan banaanka xerada ayaa sidoo kale dhaawacmay, sida uu sheegay Col. Fadi Abu Ciid.

Inkasta oo Lubnaan iyo kooxaha Falastiiniyiinta qaarkood ay isku dayeen in la gaaro xabad-joojin, “rasaasta iyo hoobiyeyaasha ayaan illaa hadda istaagin,” ayuu yiri Cadnaan Rifaci, oo xubin ka ah guddi maamula xerada.

Ciidamada Lubanaan, oo maamula baro kontorool oo banaanka ah, ayaan gelin xerada, oo ay maamulaan kooxaha Falastiiniyiinta.

Isku dhacyada ayaa billowday Axaddii kadib markii kooxaha Islaamiyiinta ay toogasho ku dileen jeneraal militari, Abu Ashraf al Armoushi, oo ka tirsan kooxda Fatax, iyo saddex ilaaladiisa ah.

Sabtidii, qof hubeysan ayaa isku dayey inuu dilo Maxamuud Khaliil oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta, hase yeeshee wuxuu taas beddelkeeda rasaasta ku dilay qof la socday.

Goor dambe oo Axaddii ah, kooxaha Falastiiniyiinta ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegeen inay gaareen heshiis xabad-joojin oo ay magaalada Sidon ku mart-geliyeen kooxaha Shiicada Lubanaan ee Amal iyo Xizbullah. Hase yeeshee xabad-joojinta ayaan dhaqan-gelin.

Qara ka mid ah dadka degan xaafadaha Sidon ee u dhow xerada ayaa ka cararay guryahooda ayada oo xabado wiifto ah ay soo dhacayeen. Sidoo kale isbitaalka Sidon ayaa shaqaalaha iyo bukaanada daadgureeyey.

Bayaan kasoo baxay ayey Fatax ku cambaareysay dilka sarkaalka amni, waxayna sheegtay in weerarka uu qeyb ka yahay “shirqool dhiig ku daadanayo oo lagu beegsanayo ammaanka iyo xasilloonida xerada.”

Fatax ayaa wacad ku martay “inay la xisaabtami doonto kuwa ka dambeeyey.”

Iska hor-imaadyada dhexmara kooxaha iska soo horjeeda ee Falastiiniyiinta ayaa caadi ka ah xerada Cayn Al-Xilwah oo marta-gelisay 54,000 oo qaxooti Falastiiniyiin ah.

Ad
Previous articlePuntland oo Go,aan Mucaaradka Ka nixiyay ku Dhawaaqday
Next articleAskar Ka Tirsan Ciidamada Khaalid Bin Waliid oo Durbaba Maxkamad Lasoo Taagay Kadib Fal layaab leh oo ay ku kaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here