Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo Goordhow Ka Qarxay Deegaanka Xananbuure

Dagaal Culus oo Goordhow Ka Qarxay Deegaanka Xananbuure

0

Wararka naga soo gaaraya Degaanka Xanna Buure Saakay ayaa Sheegaaya inuu Goordhow Dagaal Ka qarxay Magaladaas Dagaalka Ayaa Salka ku haaya Aanooyin Qabiil.

Dagaalkaan ayaana U dhaxeeya Beelaha Cayr iyo Salabeen kuwaas oo Mudo ku Dagaalamaayay Magaladaas.

Dhanka kale Laba nin oo Gancsato ahaa ayaa Xalay lagu Dilay Caasimada Galmudug ee  Dhuusamreeb Waana Sababta Saakay Dagaalku Markale u Qarxay .

Dagaalkaan ayaana Salka Ku haaya Ceel biyood Beesha Saleebaan Qorshaynaysay inay ka Qotaan Duleedka Xananbuure Balse Besaha Cayr ayaa Ka Biya Diiday Arinkaas, Galmudug ayaana wali Ka Hadlin Colaadahaan Soo laalaabtay ee u dhaxeeya Cayr iyo Saleebaan.

Dhanka kale  Waxa saakay Xirran Goobaha Ganacsiga Caasimada dhuusamareeb Xaafad kaste Saakay waxa lagu Arkayaa Ciidamada Dowlada,

Xalay aye aheyd labo Ganacsato ah in lagu Dilay Gudaha Magalada, Ragga Dilka geestay ilaa iyo Hadda Gacanta laguma Soo dhigin.

Sidoo kale Waxaa saakay la qorshaynaaya inay Dhuusamareeb ka Dhacaan Banaanbaxyo Waawayn oo looga Soo Horjeedo Dilkii xalay Ka Dhacay Gudaha Dhuusamareeb.

Ad
Previous articleMadaxweynihii Hore ee Galmudug oo Goordhow Geeriyooday
Next articleGalmudug oo Martigalinaysa Dagaalo Qabiil iyo Matabaan oo Markale Dad lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here