Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadka oo qaab qabiil u abaabulna ayaa lagu soo waramaya inay ka careysnayeen dad ehelkooda ah oo saldhiga deegaankaasi lagu xiray, kuwaasi loo haysto arrimo la xariira dhac gaadiid.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu yimid kadib markii ciidanka maleeshiyaadka ah ay weerar kusoo qaadeen saldhiga deegaanka, si ay u soo furtaan dadka ugu xirna halkaasi.
Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.
Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, kadib markii ay odayaal iyo waxgarad ay ku soo baxeen shaqaaqadan, ayna kala dhex galeen labada dhinac ee saaka halkaasi ku dagaalamay.
Arrintan ayaa imaneysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay deegaanada gobolka ay kusoo badanayeen kala dhaca gaadiidka, taasi oo hadda muuqata in ciidanka dowladda ay wax ka qabashadeeda soo fara-galiyeen.