Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan iyo Taliska xoogga oo ka codsaday Mareykanka inuu ka Caawiyo..(Sawiro)

Madaxweyne Xasan iyo Taliska xoogga oo ka codsaday Mareykanka inuu ka Caawiyo..(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka AFRICOM ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab oo dowladda Soomaaliya u ah qorshaha koowaad.

Mareykanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekhiyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen wajiga koowaad ee dagaalka ka socda Soomaaliya.

“Waxaan ognahay in gacanta argagixisada laga saaray deegaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka iyo dowladnimada Soomaaliyeed,” ayuu yiri safiirka Mareykanka.

Madaxweyane Xasan Sheekh oo kulankan ay kala qeyb-galeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in ay iska dulqaadaan argagixisada ciriiriga ku haysa nolasha dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday sharaxaad ku saabsan doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan kartoGeeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab.

Ugu dambeyntii intii kulankaasi socday wuxuu Madaxweynuhu tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug weyn, maadaama argagixisadu ay yihiin aafo caalami ah oo lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kasoo Guuray Dhuusamareeb kana soo rartay Ciidamadiisii ilaalada u ahaa
Next articleDagaal Culus oo dhexmaray Ciidamada Nabad sugida iyo Beelkamid ah kuwa Daga hiiraan oo Ka dhacay Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here