Home Wararka Maanta Dadka Somaliland ay ka Soo Masaafuriyay Deegaanadeeda oo Kumanaan Kun gaaray (Akhriso)

Dadka Somaliland ay ka Soo Masaafuriyay Deegaanadeeda oo Kumanaan Kun gaaray (Akhriso)

0
Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini-adam-nimada ee OCHA, ayaa iyadoo xiganaysa PRMN sheegtay in tirada dadka xukuumada Somaliland ka saartay magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda ay gaadhay 7,250 qof.

Waxa kale oo warbixintu sheegtay in tiro qoysas ah oo lagu qiyaasay ilaa 24 qoys ay u qaxeen deegaanada ku dhaw dhaw gobolka Sool sida Buuhoodle, sidoo kale, 75 qof oo ka qaxay magaalada Ceerigaabo, ayaa gaadhay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo, kadib amar ka yimid xukuumada Somaliland.

Warbixinta ayaa sidookale sheegtay in dadka laga soo barakiciyay magaalooyinka bariga Somaliland ay la kulmeen, dhibaatooyin ay kamid yihiin, is waayitaan ka dhex dhacay qaar kamid ah waalidiinta iyo ubad kooda, 7 caruura oo lumay ayaa waalidiintoodi dib loola mideeyay, sidookale ilmo yar oo waalidkiisa ka lumay ayaa lagu hayaa xero barakac oo ku taala Gaalkacyo.

Xukuumada Somaliland ayaa 2 bishan bilowday howgal ay gobolka Sool kaga masaafurisay dadka aan Somaliland u dhalan gaar ahaan dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, sidookale, gobolada Sanaag iyo Saaxil ayaa lagaga dhawaaqay masaafuriska.

Xukuumada ayaa talaabadan ku sheegtay howlgal lagu sugayo amniga gobolka Sool oo aan fiicnayn sanadihii lasoo dhaafay, waxaana la filayaa in howgal kani uu ku balaadhan karo guud ahaan Somaliland, iyadoo gobolada Sanaag iyo Saaxil sidookale lagaga dhaawqay in laga saarayo dadka aan Somaliland u dhalan.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug iyo Kuwa Dowladda oo la wareegay garoonka Diyaaradaha Gurceel
Next articleWeerar ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir iyo Masuul dad shacab ah dhibaateeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here