Home Wararka Maanta Dadka Jooga Goobaha ay Alshabaab Maamulaan oo dowlada Codsi usoo dirsaday

Dadka Jooga Goobaha ay Alshabaab Maamulaan oo dowlada Codsi usoo dirsaday

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA), Maxamuud Macallin Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay xaaladda bani’aadanimo ee haatan ka jirto gudaha dalka.

Maxamuud Macallin ayaa sheegay in dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay sii baaheyso, isla-markaana ay yartahay taageerada iyo caawinaada ka imaaneyso beesha caalamka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in meelaha ay kasoo yeereyso qaylo dhaanta ay kamid  tahay dhulka Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in shacabka ay lasoo xiriiriyaan dowladda.

“Waxaa jiro dhul aysan gacanta ku hay dowladda oo ay joogaan cadowga, waxaa ku nool dad Soomaaliyeed waxaa waayay daruufaha uu dalka ku jiro oo xanuunka badan, waxaana wax gaarsiin kartaa oo kaliya meelaha uu amniga ka jiro” ayuu yiri Maxamuud Macalin.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sidoo kale qiray in dadkaas aysan waxba u qaban karin, sababo la xiriira ammaanka, wuxuuna ugu baaqay inay kasoo barakacaan halkaasi.

Meelaha laga soo wacay waxa uu tilmaamay in kamid yihiin Jubbooyinka oo ay si weyn ugu xoogan tahay kooxda Al-Shabaan.

“Waxaan leenahay Call Center, meel kasta ayaa laga soo wacaa waxaa laga soo wactamaa dhulka ay Shabaabka haystaan sida Jubbada Hoose iyo dhulal badan oo runtii Shabaabka haystaan qaylo badan ayaa kasoo gaareyso laakiin waxba looma qaban karo, illaa ay kasoo baxaan ama Ilaahey uu cadowgaas ka saaro” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha SoDMA.

Maxamuud Macallin ayaa intaasi kusii daray “Waxa la haystaa aad ayay u yar yihiin, baahiduna aad ayay u badan tahay”.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Xerada Jaale siyaad oo Qof Ismiidaamiyay uu Isku qarxiyay Ciidamo la Faylinaayay
Next articleXoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman oo shaqada laga eryay kadib Markii ay kasoo Horjeesatay Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here