Home Wararka Maanta Dad loo soo Qabtay Dilka Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame

Dad loo soo Qabtay Dilka Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame

0

Ciidamada amaanka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garawe ee caasimada Puntlanad waxa ay kusoo qab qabteen afar ruux oo lagu tuhmayo dil xalay loo geestay Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame oo katirsanaa dowlada hoose ee Garawe.

War kasoo baxay taliska booliiska magaalada Garawe ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ku guuleesteen in ay soo qabtaan afar ruux oo lagu tuhmayo dilka loo geestay Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame .

” Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Sirdoonka ayaa xalay marka uu falkaasi dhacay waxay Gudaha Magalada ka sameyeen howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka oo xiliga Goobta Ka baxsaday ayna suurto gashay soo qabashada dadkaasi” ayaa lagu yiri warka booliiska.

Booliiska ayaa sheegay in dilka sargaalkan katirsanaa shaqaalaha dowlada hoose ee Garawe usoo qabteen Cabdikaafi Ibraahim Aadan Iyo 3 Dumar ah oo lagu tuhmayo in ay gacan ku siiyeen dilka Cabdikaafi.

Ad
Previous articleDilal ka Dhacay Goordhow Magaalada Muqdiaho
Next articleQaramada Midoobay oo War kasoo Saartay Heshiiskii Shalay Lagu Gaaray Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here